Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu aasay xaafad ka mid ah Magaalada Muqdisho oo la fashiliyey (Sawirro)

Ciidamadda amaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee ka tirsan NISA ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay gudaha iyo nawaaxiga Degmada Dayniile gaar ahaan xaafada Oodweyne.

Qoraal ka soo baxay ciidamada ayey ku sheegeen iney degaankaas ka soo saareen Miinooyin ay aaseen Al shabaab

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in qaraxan la damacsanaa in lagu dhibaateeyo ciidamada DF iyo shacabka Soomaaliyeed balse ay fashiliyeen.

“Ciidamadda Duufaan ee NISA waxay aad ugu mahadcelinayaan dadka degaanka oo lasoo xiriiray laamaha Sirdoonka Caasimadda, kuna soo wargaliyey Miinadan kooxda Al-shabaab dhulka ku Aaseen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saareen ciidamada Duufaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirad Khadiijo Al-Makhzoumi oo la gudoonsiiyey abaalmarinta ASO Award (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqalka sare oo meel mariyey hindise sharciyeed khuseeya dadka ajaaniibta ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo saakay la wareegay Deegaanno Al Shabaab heesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---