Ra’isul Wasaare Rooble oo codsi u jeediyay Madaxda Hay’addo ku sugan Imaaraadka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo madaxda dalkaasi iyo madaxda Hay’addo kala duwan.

Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka kula kulmay mas’uuliyiin ka socday hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas ka howlgala.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa madaxda hay’addaha uu la kulmay kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, waxa uuna ka codsaday hay’addahaasi in ay gacan siiyaan walaalahooda gurmadka u baahan.

Madaxda hay’addaha gargaarka uu la kulmay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha loogu gurmanayo walaalahooda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa abaarta saameesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -