Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Haweeney …

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo fulisay haweeney jirkeeda waxyaabaha qarxa kusoo xirtay , taa oo isku qarxisay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Qaraxan ayaana ka dhacay agagaarka Daallo oo kutaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax iyo Black Sea gaar ahaan goob ay inta badan fariisan jireen ciidamada dhar cadka ee ka howlgala degmada Howlwadaag gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo agagaarkiisa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in haweeney xijaaban oo jirkeeda waxyaabaha qarxa kusoo xirtay isku qarxisay goobtii ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad sugida, waxaana halkaasi mar qura laga arkay uuro iyo qiiq kasoo baxaya.

Qaraxan waxaa ku dhintay sida aan wararka ku helnay haweeneydii fulisay iyo sidoo kale labo ruux oo kale oo ku jiraan ciidankii qaraxa lagu weeraray, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dadka dhintay uu ku jiray taliyihii ciidankaasi.

Booliiska Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin qaraxan ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay baaritaano kawada ciidamo isugu jira booliis iyo Nabad sugida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka qoys lix qof oo Soomaali ah oo laga helay Qaahira

Caydiid Ali

(Sawirro) Xogta kulamo Laftagareen la qaatay Catriona Laing iyo Joachim Waern

Caydiid Ali

Wiil 16-sano jir ah oo xil looga magacaabay Hirshabelle iyo Wal wal wiilkaasi lasoo darsay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---