Wasiir iyo Saddex xubnood oo kale oo Doorasho aan lagu tartamin kusoo baxay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka.

Kursiga ugu horeeyay ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho HOP268 waxaa ku guuleestay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa oo horey ugu fadhiyay kursigan kadib markii loo tanaasulay.

Waxaa sidoo kale kursiga sumaddiisu tahay 267 kusoo baxday  Saynab Maxamed Caamir oo iyanna horey ugu fadhisay kursigan, Xildhibaanadan ayaa waxa ay kusoo baxday qaab gacan taag ah kadib markii musharaxii la tartameysay u tanaasushay.

Kursiga saddexaad ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho HOP236 waxaa ku guuleestay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo isna horey ugu fadhiyay kadib markii uu u tanaasulay musharaxii malxiiska u ahaa.

Waxaa sidoo kale kursiga afaraad ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho kusoo baxay Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo isna loo tanaasulay.

Doorashada dalka ka socota ayaa inta badan ah kuwa la musuq maasuqay oo loo tanaasulay xubno si gaar ah markii hore loogu xiray kuraastaasi, waxa ayna doorashada sanadkan u muuqataa tii ugu musuqmaasuqa badneed ee dalka ka dhacda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -