Abiy Axmed oo Imaaraadka kala hadlay Saami qeybsiga Dekadda Berbera

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo horaantii isbuucan booqasha ku tagay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka uu kala hadlay Arrinta Dekedda Berbera.

Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeesheey Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan.

Wuxuuna Abiy uu Amiirka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen madaamaa Itoobiya ay laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheedea uu si weyn u saameeyey dagaalka waqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi Imaaraatka.

Wargeyska The Jordan Post oo faalo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo iney ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin: Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, Iney iska kaashadaan horumarinta Wajaale ilaa iyo Berbera si ay Itoobiya Dekaddaasi uga faa’ideysato iyo Dagaalka Imaaraadka uu Xuutiyiinta kula jiro sidii ay Itoobiya uga heli lahayd saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

Wargeyska waxaa kale uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso iney wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’ideysato ayna maalgashato beeraha dalkaasi.

“Abiy Wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale uu ku hormariyo adeegyada aasaasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekaddaasi,” ayuu yiri Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.

Waxaa dhawaan la daahfuray wejigeedi koobaad ee ballaadhinta dekedda Berbera taasoo ay gacanta ku haysay shirkadda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -