Hirshabelle oo Shaacisay Qabashada doorashada iyo habraaceeda labo kursi oo cusub

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta lagu dooranayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay doorashada labada kursi ee sumaddoodu tahay  HOP070 iyo HOP115 , waxaana doorashada labadan kursi Jowhar ka dhaceysa maalinta axada oo taariikhdu tahay 6-febraayo .

Labada kursi ee shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabelle doorashadooda ayaa horey waxaa ugu fadhiyay kursiga HOP070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan halka  HOP115 asna ku fadhiyay Cali Maxamed Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -