Reer Galbeedka oo shallaay ka taagan rididii Xukuumadii Qadaafi hal arrin darteed

Dowladaha reer galbeedka ayaa qadiyaan ka taagan qulqulka tahriibayaasha ka soo hayaamaya afrika iyo meelo kale kuwaasoo doonaya iney galaan qaarada yurub oo ay ka raadinayaan fursado nololeed iyo shaqooyin.

Midowga Yurub  ayaa waxay doonayaan in xarun lagu qaabilo muhaajiriinta laga sameeyo dalka Liibiya sii loo marsiiyo kumannaanka Afrikaanka ah ee doonaya inay gaaraan Yurub.

Dowladda Liibiya waxay diidday arrintani. Kooxaha mukhalasiinta Liibiya ee dadka muhaajiriinta ah ka gudbiya badda waxaa xakamayn jiray hoggaamiyihii dalkaasi, Mucammar Al-Qadaafi, oo ahaa nin awood leh, balse hadda xorriyad ayay heleen mukhalasiinta ka dib markii uu meesha ka baxay.

Xilligii uu talinayay Qadaafi wuxuu ka codsaday gaashaan buurta Nato inaysan duqayn dalkiisa, wuxuu yiri ” i dhagaysta, haddii aad tihiin reer Nato, waxaad duqaynaysaan gidaar muhaajiriinta iyo argagixisada ka hor istaagay inay gaaraan Yurub, gidaarka waa Liibiya, waana burburinaysaan”.

Qadaafi wuxuu doonayay inuu ka faa’iidaysto cabsida dalalka Yurub ay ka qabaan muhaajiriinta si uu talada ugu dhagganaado, balse taasi ma aysan shaqaynin, waxaa dilay maleeshiyaad ay tageerayaan Nato sannadkii 2011-kii, waxaana sidaasi ku soo afjarmay maamulkii 42 sano jirsaday ee uu hoggaanka u hayay.

Arrintaasi waxay Yurub, siiba Talyaaniga, uu ku waayay saaxib muhiim oo dadaal ugu jiray ka hortagga muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda Yurub.

Tarek Megersi oo ah khabiir arrimaha midowga Yurub, oo fadhiggiisu yahay dalka UK ayaa sheegay in dalka Liibiya aan muhiimad la siin wixii ka dambeeyey dhimashadii Qadaafi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -