Maxkamada G/Banaadir oo amar cusub ka soo saartay lacagtii laga qabtay Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa sheegay inaan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde Sanadkii  2018.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa lagu sheegay inaan la saari karin kacagtaasi sababo la xiira inuu socdo baaritaan oo tan iyo inta laga soo dhameynayo ay saarnan doonto xayiraad, isagoo in in kiiska Lacagtani iyo go’aankaba uu horyaalo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Hay’adda Baarista.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay Gudoomiyaha Bangiga dhexe iyo Wasaradda Maaliyadda in aysan saari karin lacagtaasi oo gaareyso {9,600,000} sida ku cad Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay inuu ka raali gelinayo lacagtaasi la xayiray sidoo kalana uu dib u soo celin doono, waxayana sidoo kale kusoo adeeysaa xili maanta uu Rooble u ambabxay dDalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Dadka sida aadka ah u yaqaan arrimaha qaanuunka ayaa qabaan in sharciyan Maxkamadda Gobalka Banaadir aysan geli karin dacwad maamul balse ay tahay arintaani howlo uyaal Maxkamadda Sare ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -