Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo sagootiyay dhaawacyada masuuliyiin loo qaaday dibadda (Sawirro)

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka duushay diyaarad gaar ah oo lagu qaaday dhaawacyada masuuliyiin iyo dad kale oo shacab ah oo ku dhaawacmay weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka SYL .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro , xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay dhaawacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee loo qaaday dalka Turkiga .

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarka SYL in ilaah caafimaad deg deg ah siiyo, waxa una cambaareeyay weerarkaasi oo kooxda Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen.

Dhaawacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee wax ku noqday weerarkii hotelka SYL ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa gaaraya 19-qof, dadka qaar ayaana la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus oo dalka wax looga qaban waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Xaashi oo Rooble u gudbiyay Xubnaha Guddiga Doorashada (Magacyada)

Cabdi Cade

Nin hooyadiisa u dilay si uu xogta faraheeda ugu adeegsado in uu lacag kala baxo Akoonkeeda!

Cabdi Cade

Xog: Farmaajo oo qorshe halis ah ka damacsan ciidamo maanta la keenay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---