Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamsa oo kulan deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib weeraradii Baladwayne (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta Al-shabaab ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada Al-shabaab ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay saddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, sida ay ilo-wareedyo kala duwan sheegeen, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo qabtay shaqo laga rabay Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

DFS oo ka rareysa Safaarada Itoobiya halka ay hadda ku taal iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo Meesha ka saaray in la hakinayo Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---