Dowlada Somalia oo isku bedeshay haween danjireyaal ka ahaa labo dal

Safiiraddii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka Switzerland iyo India oo labaduba ahaa Haween ahaa la isku bedelay sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Danjiraha dowlada Somalia u fadhiyey Switzerland oo sidoo kale aheyd Ergeyga Xafiiska xuquuqul Insaanka QM ee magaalada Geneva Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) ayaa loo bedelay Safiirka Soomaaliya ee dalka India, iyadoo dhinaca kale safiiradii fadhiday India Abyan Maxamed Saalax loo wareejiyey dalka Switzerland

Abyan ayaa  aheyd Safiirada ugu xiliga dheer safiiradda Somalia u fadhiya dibeda, iyadoo safiirka India aheyd muddo 12 sano ah.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay labada safiir ayaa inta aan xilka loo kala beddelin looga yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo ka dibna lagu wargeliyey isbedelka ku dhacay xilalkooda.

Danjire Faadumo Insania ayaa dhowaan dalka looga yeeray ka dib markii ay ka aamustay codeyn ka dhacday xarunta Xuquuqul insaanka QM ee Magaalada Gineva, taasoo ku saabsaneyd go’aan ka soo baxay Madaxweyne Trump oo la xiriiray in Israel ay leedahay Buuraha Golan Heights, waxaana go’aanka ay uga aamustay codeyntaas ka carooday dowlada Somalia, iyadoo la hadal hayey in safiirada xillka laga qaadayo inkastoo hadda loo wareejiyey safiirka Somalia u fadhiya India.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -