Madaxweyne Guudlaawe oo la shaaciyay in Farmaajo ka dalbaday ciidankii Baladweyne la geeyay

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadashay ciidamo badan oo isugu jira booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa milatariga ee Gorgor oo maalmo kahor diyaarado lagu geeyay magaalada Baladweyne.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in ciidanka la geeyay Baladweyne ku yimid dalab dhankooda ah, waxa uuna xusay in ciidankan looga baahan yahay gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada la geeyay Magaalada Baladweyne uu dowlada ka codsaday Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uuna wax ka ogaa isaga, waxa uuna dalbaday in ciidamado kale dowlada usoo dirto Hiiraan.

”Ciidankan Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kala xiriiray kana dalbaday Madaxweynaha dalka ahna taliyaha ugu sareeya ciidanka, waxaan uga mahadceliheynaa dowlada ciidanka ay noo soo direen, inta naguma filna kuwa kalana noo soo dira” ayuu yiri Dabageed.

Waxa uu sheegay Yuusuf Dabageed in ciidankan loogu tala galay in ay kahor tagaan lana dagaalamaan cadawga Soomaaliyeed iyo midka gobolka Hiiraan, waxa kale uu tilmaamay in ciidankan furayaan wadooyin ay xireen Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili xukuumadda Soomaaliya ku baaqday in si deg deg ah looga soo celiyo magaalada Baladweyne ciidanka la geeyay oo la sheegay in halkaasi ka abuurayaan khalalaase.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -