Danjiraha Imaaraadka oo ka hadlay halka ay ku socotay lacagtii lagu qabtay Garoonka Aadan cadde

Danjiraha dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa ka hadlay lacagtii shalay lagu qabtay garoonka dayuuyadaha magaalada Muqdisho ee la sheegay inay u socotay Safaaradda Imaaraadka.

Maxamed Ahmed Osman Al-hammadi ayaa sheegay in lacagta la qabtay aanay u socon safaaradda Imaaraadka, balse ay ahayd lacag ku socotay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayna ahayd mushaarka ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ogeyd, laguna wargeliyay imaanshaha lacagtaasi u socota ciidamada, iyadoo Imaaraadku ciidamo ku tababarro magaalada Muqdisho iyo Maamulka Puntland.

Ciidamada NISA ayaa ka shakiyey tirada lacagtan iyadoo ku doodaya in mushaharka ciidamada aanu ka badneyn 1 Milyan oo dolar, balse lacagta ku dhow 10-la Milyan looga shakiyey in arrimo siyaasadeed loo adeegsado, iyadoo xiriirka labada dalna uusan wanaagsaneyn.

Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka sida ku xusan qoraal ka soo baxay Wasaarada amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -