Saadaq Joon oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka socota doorashada kuraas kamid noqonaya xildhibaanada gollaha shacabka ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ka dhacday saakay magaalada Dhuusomareeb waxaa ku guuleestay Saadaq Cumar Xasan (Joon) oo helay codad gaaraya 81-cod, halka musharaxii la tartamayay isna helay 17-cod.

 

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa aheyd mid horey natiijadeeda loo sii ogaa , waxaana Saadaq Joon doorashada la galay musharax la sheegay in malxiis ahaan usoo watay.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in goordhaw lagu doorto Xildhibaano kale oo kamid noqonaya gollaha shacabka kuwaa oo galaya doorasho natiijada kasoo baxaeysa lasii wada ogyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -