Doorasho la isku wada tanaasulay oo maanta ka dhacay Muqdisho (Yaa kusoo baxay)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi, waxaana la doortay ilaa sadex Xildhibaan oo labo kamid ah rag kusoo baxeen.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid aan xamaasad haba yaraatee laheyn, waxaana sadexda kursi ee la doortay dhamman ahaayeen kuwa la isku tanaasulay oon wax tartan ah ka dhicin.

Waxaana kursiga koobaad kusoo baxay  Siciid Maxamed Maxamuud oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii la tartamayay  Kaltuun Xayir Jaamac

Kursiga  HOP037 waxaa ku guuleestay  Marwo Ifraax Maxamed Cawad kadib markii u tanaasushay musharaxii kula tartameysay kursigaasi, waxaana cod gacan taag ah kursigaasi ugu soo baxday Marwo Ifraax Cawad.

Waxaa sidoo kale kursiga Kursiga HOP238 ku guuleestay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir , kadib markii uu doorashada ka tanaasulay in uu u tartamo musharax Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee hada ka socota qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwa lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa, iyadoona inta badan la isku tanaasulayo doorashada halkii la tartami lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -