Rooble oo qaadaya tallaabooyin deg deg ah oo ku aadan Ciidanka Baladweyne la geeyay

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ciidamo katirsan Haramcad iyo Gorgor geesay magaalada Baladweyne ee caasimadda maamulka Hirshabelle, waxaana ciidankaasi la sheegay in loogu tala galay in lagu boobo kuraasta lagu dooranayo magaaladaasi.

Ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne ayaa durba abuuray xiisad ka taagan magaaladaasi, waxa ayna ciidankan xoojiyeen ciidamada Hirshabelle iyo kuwa dowlada ee horey ugu sugnaa magaalada Baladweyne.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya , Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo beesha Xawaadle oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag uga soo horjeestay ciidamada la geeyay Baladweyne iyo ujeedka ka dambeeya.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la gaarsiiyay cabshada dadka Baladweyne ka qabaan ciidamada la geeyay ayaa la filayaa in uu qaado tallaabooyin deg deg ah uu uga jawaabayo ciidamada la geeyay Baladweyne.

Rooble iyo wasiiradiisa gaashaandhiga iyo ammaanka ayaa lagu soo waramayaa in aysan waxba kala socon ciidanka la geeyay magaalada Baladweyne, waxaana ciidankan Muqdisho looga qaaday ammar kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan ciidamo maleeshiyaad ah oo si weyn uga soo horjeeda in Cali Guudlaawe tago magaaladaasi sidoo kale lagu qabto doorashada boobka ah ee Villa Soomaaliya dooneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -