Shaki weyn oo ka dhashay Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday Somaliland

Dowlada Itoobiya ayaa dhowaan u magacowday Maamulka Somaliland qunsul cusub oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa isagoo bedelay qunsulkii hore oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Qunsulka cusub oo magaciisa la yiraahdo Shamsudiin Axmad Rooble ayaa ah nin ka soo jeedaa degaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo horey u soo noqday danjiraha dalkaas u fadhiya dalalka Jabuuti, Kenya iyo meelo kale.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyey arrintan, iyagoo isweydiinaya sida nin gaaray darajada danjire loogu magacaabi karo qunsul oo ah xil ka hooseeya danjire, iyadoo si weyn loo tuhunsan yahay in Raisul Wasaare Abiy Ahmed uu sare u qaaday xiriirka uu la leeyahay Somaliland.

Talaabadan ayaa lagu timaamay iney jebineyso heshiiskii iskaashi ee ay dhowaan kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Itoobiya oo dhigayey in dal walba uu ilaaliyo qaranimada iyo madax banaanida dalka kale, lagana fogaado fara gelinta arrimaha gudaha ee labada dal, iyadoo dhinaca kale Itoobiya ay balan-qaaday iney arrimaha Somalia kala hadleyso oo kaliya dowladda federaalka, aysana la macaamili doonin maamulada kale ee ka jira dalka.

“Su’aasha waxay tahay Shamsudiin waa safiir. Safiir na ma qabto xil qunsuliyadeed. Haddaba sow lama oran karo Abiy Ahmed wuxuu sare u qaaday xiriirka itoobiya iyo Somaliland? sidaasi waxaa yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada faderaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -