Wasiirka Arrimaha gudaha & Siyaasiyiin kale oo ka hor yimid ciidankii la geeyey Belad-weyne

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Siyaasiyiin Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay ciidankii maanta la geeyay Beledweyne.

Xubnahan oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ciidankaas aan Beledweyne loo geynin amni doorasho iyo mid Al-shabaab, balse ujeedka yahay in dadka lagu cabsi geliyo, waxaana ay ku baaqeen in degdeg looga soo celiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay iney iswareysteen RW Rooble ayna u cadaatay in ciidankaas aysan ka war heynin xukuumada, una socon arrimo doorasho iwm, isagoo ka digay dhibaatooyinka ciidankaas ka dhalan kara.

Waxaa sidoo kale talaabada ciidankaas ka soo horjeestay kana hadlay shirkaas jaraaid xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre, Taliyihii hore ee NISA Sambaloolshe iyo xubno kale.

Dhinaca kale Jen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo ku sugan Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay Xuud in talaabadan ciidamada lagu geeyey Baladweyne dhabarka laga jabinayo wadahadaladii ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho, isla markaana wixii ka dhasha uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -