Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salaad: “Saddex faa’iido ayuu leeyahay sharciga cusub ee hey’adda NISA”

Agaasimaha heyadda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salaad ayaa uga mahadceliyay Golaha Wasiirada Somalia talaabada ay ku ansixiyeen Sharciga heyaddaas.

“Ugu horreyn waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxaa uu ka codsaday labada Aqal ee Baarlamanka inay ansixiyaan sharcigaan si NISA u noqoto Hey’ad sharci ku dhisan oo si hufan u gudata waajibaadka loo xilsaaray.

“Labada Aqal ee Baarlamanka Somalia waxaan ka codsanayaa iney ansixiyaan sharciga NISA si heyaddu u noqoto mid sharci ku dhisan oo waajibaadkeeda u gudata si hufan” ayuu agaasime Mahad Salaad.

Waxaa uu sheegay in sharcigan uu door Muhiim ah ka qaadan doono shaqada amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagxisada iyo ka hortaga in magaca heyadda lagu galo dembiyo.

Sharcigan cusub ayaa waxa uu Hey’adda NISA ka dhigayaa mid uu sharcigu ka sarreeyo garsooruhuna ka adag yahay, dadka Soomaaliyeedna aanay ka cabsan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha.

Sharciga maanta la ansixiyay ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran, iyadoo muddo 53 sano kadib uu sharcigan baabi’inayo xeer lamber 14 oo lagu sameeyay heyadad sanadkii 1970.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia oo maanta laga sooman yahay

Caydiid Ali

Booliiska Caalamiga oo howlgal kula wareegay xarumo ay leedahay Shirkad Internet

Cabdi Cade

David Cameron oo sheegay in Xulafada Israel uu haatan ka sii dhamaanayo dulqaadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---