Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney lagu eedeeyay in ay qorsheesay dilka Madaxweyne Chakwera oo…

Haweeney caan ah kana tirsan mucaaradka dalka Malawi ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay in ay qorsheesay dilka Madaxweynaha dalkaasi Lazarus Chakwera, waxaana xariga haweeydan lagu tilmaamay mid siyaasadeed.

Patricia Kaliati, Xoghayaha Guud ee xisbiga UTM, ayaa lagu eedeeyay in ay maleegtay qorshe la doonayay in lagu dilo Madaxweyne Lazarus Chakwera, waxaana la sheegay haweeneydan in ay la kulantay dad kale si ay u sameeyaan fal afgembi ah.

Maxkamad kutaalla caasimadda dalka Malawi ayaa shalay oo Isniin aheyd lasoo taagay  Patricia Kaliati, mana helin haweeneydan mucaaradka ah fursad ay ku hadasho ayna isaga difaacdo eedeymaha halista ah ee loo soo jeediyay.

Qareenno u doodayay haweeneydan katirsan madaxda sare ee xisbiga UTM, ayaa sheegay   in haweenaydaan aaney waxba galabsan oo eedaha loo jeedinayo yihiin kuwa aan xaqiiiqda ku saleysneyn , sida ay warbaahinta guduhu sheegtay Malawi baahiyeen.

Xubno katirsan mucaaradka dowladda Malawi oo iyana ka hadlay kiiskan ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay Patricia ay yihiin kuwa been abuur ah, waxa ayna tilmaameen in eedeyntan ay tahay mid siyaasadeed oo la doonayo in lagu sumcad dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump: “Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis”

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War cusub oo kasoo kordhay heshiiska Nukliyeerka ee Mareykanka iyo Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---