Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada AMISOM oo baaray hoolka lagu qabanayo Doorashada ee Jowhar (Sawirro)

Guddiga Doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa kormeer ku sameeeyay goobta loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka eeĀ  lagu qabanayo ee magaalada Jowhar.

Waxaa sidoo kale goobta lagu qabanayo doorashada kormeer ku sameeyay saraakiisha Hay’addaha ammaanka oo u kuur galaya ammaanka goobtaasi oo lagu wado in maalinta isniinta ka bilaabato doorashada gollaha shacabka.

Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa baaris ku sameeyay qeybaha kala duwan ee hoolka lagu wado in doorashada ka dhacdo, waxa ayna ciidamada halkaasi ka baarayeen waxyaabaha qarxa iyo waxyaabo kale oo ammaanka halis galin kara.

Dowlada goboleedka Hirshabelle ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta bilaabista doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxa ayna Hirshabelle noqotay maamulka ugu dambeeya aan wali bilaabin doorashada gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo danjiraha EU?

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Cabdi Cade

Maxaa Ka Dambeeya Dib u Soo Celinta Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---