Hay’adda Socdaalka oo hirgelisay Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka (Sawirro)

Xaruntaani waxay timid kadib markii dardargelin lagu sameeyay shaqada Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda, taas oo ka dhalan karto cabashooyin ka soo laabto adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka.

Muhiimadda koobaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ku aadan xaruntaan cusub waa in dadka cabashada qaba iyo Hay’adda aan loo dhaxeynin oo ay si toos ah ula soo xiriiraan Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka si meesha looga saaro gaabis ku yimaada Xiriirka Hey’adda iyo loo adeegayaasha oo ah bulshada Soomaaliyeed, loogana fogaado isdabarin, waajib gudasho la’aan ama in si khaldan looga faaideysto adeegyada Hay’adda oo qof kastaahi xaq u leeyahay isla markaana looga hortago wax kasta oo keeni kara Musuqmaasuq.

Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka waxaa ka howlgali doono Saraakiil loo tababaray Xiriirka dadweynaha iyo la macaamilkooda, waxayna ka jawaabi doonaan guud ahaan cabashooyinka kasoo laabta adeegyada ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaan ku qalabeynay xaruntaan System-yada ay ku shaqeyso Hay’adda ha ahaado Socdaal ama Baasaboor, Saraakiisha ka howlgaleyso waxay awood u leeyihiin in ay Systemka ka eegaan cabashada isla markiibana ay jawaab ka bixiyaan cabashada ku soo dhacday.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) wuxuu si dhow la socon doonaan tabashooyinka iyo warbixinada xaruntaan si uu u qaado tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana uu kula xisaabtamo Xarunta ka jawaabista cabashooyinka sida ay u maareeyaan cabashada ay qabtaan. Sidoo kale, qorshayaasha Hay’adda waxaa lagu dhisi doonaa talooyinka iyo baahida adeeg oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda waxaa lagu wargalineynaa in hadda kadib ay la soo xiriiraan xarunta ka jawaabista cabashooyinka oo loo dhameystiray guud ahaan xiriirada lagu wada xiriiro sida Telfoonada, Email iyo Whatsapp Lambar, xaruntaan waxay shaqeyn doontaa 24 saac waxaana diyaar ku ah Saraakiil ka jawaabeyso xilli kasta oo lala soo xiriiro.

Xiriirada Xarunta ka jawaabista cabashooyinka:

Whatsapp: +252614465000

Lambar gaaban: 2000

Email: cabasho@immigration.gov.so

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -