Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Biden oo hanjabaadii ugu cusleed u diray Ruushka xili weerar isku diyaarinayaan

Dowladda Mareykanka ayaa hanjabaad culus hawada u marisay dowlada Ruushka oo xiligan isku diyaarineysa duulaan ay ku qaadaan dalka Ukraine, waxaana laga digay dhibaatooyin badan oo ka dhalan kara duulaankaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden , ayaa ka digay duulaan uu u maleenayo in Ruushka ku qaadayaan dalka Ukraine, waxa uuna caddeeyay in Mareykanka jawaab adag ka bixin doono hadii ruushka ku duulo dalka Ukraine.

Joe Biden ayaa sheegay in dowladda Ruushka iyo hogaamiyahooda Putin in ay wajihi doonaan cunaqabateyn abidkii aan soo marin hadii ay ka dhabeeyaan duulaanka ay ku yihiin Ukraine, isagoona uga digay in ay duulaan ka waantoobaan.

“Waxay ku xirnaan doontaa sida ay wax u dhacaan, balse haddii ay dhab ahaantii sidaa sameeyaan oo ay adeegsadaan ciidamada ay xadka Ukraine soo dhoobeen waxay noqon doontaa musiibo Ruushka ku timid, waa haddii ay isku dayaan iney Ukrine qabsadaan. Xulafada iyo saaxibbadeenadaba waxay diyaar u yihiin inay qasaaro iyo waxyeello la taaban karo u geystaan Ruushka iyo dhaqaalahiisaba.” ayuu yiri Biden.

Hanjabaada dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili Ruushka ciidamo badan dhoobeen xadka ay la wadaagana dalka Ukraine, iyaga oo isku diyaarinaya duulaan ay dalkaasi ku qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Sn2wEHbA7f0

Related posts

Muxuu yahay qalabka Jaban ugu deeqday Booliska DF? (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo dalab ka kooban labo qodob hordhigtay wadamada Nordic (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday guryo ay Saraakiil ka degan yihiin Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---