Ronaldo oo Sabab u noqday in kooxdiisa Bahdisho Ciyaaryahan Muslim ah oo Wacdaro dhigayay

Kooxda kubadda cagta Al-Nassr ayaa si xun ula dhaqantay weeraryahanka reer Cameroon ee Vincent Aboubakar, kaas oo shalay  laga eyey kooxdaas iyadoo gebi ahaanba la burburiyey heshiiskii uu ku joogay horyaalka waddanka Sucuudi Carabia.

Vincent Aboubakar ayaa booska looga saarayay ciyaaryahanka lacagta waalida ah ka qaadan doono kooxda ee Cristiano Ronaldo, laakiin marnaba lama filayn in ay ku dhacdo qaabka xun ee loola dhaqmay.

Kooxda Sucuudiga ayaa go’aan lama filaan ah ku gaadhay in ay baabi’iso heshiiskii ay kula jirtay Vincent Aboubakar oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka, isla markaana dhaliyey goolkii uu xulkiisu ku garaacay Brazil is-araggii saddexaad ee wareeggii group-yada oo ay Cameroon 1-0 kaga badisay Brazil.

Wargeyska Al-Riyadh ee kasoo baxa caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaaciyey, in Aboubakar la burburiyey heshiiskii uu kula jiray Al-Nassr, isla markaana xor u yahay inuu ku biiro kooxda uu doono laga bilaabo maanta oo Sabti ah.

“Al-Nassr waxay go’aan ku gaadhay in ay burburiso heshiiska Vincent Aboubakar si loogu diiwaangeliyo Ronaldo oo uu ka buuxay liiska ciyartoyda ajaanibka ah ee loo ogol yahay kooxda.” Ayaa uu yidhi wargeyska Al-Riyadh.

Vincent Aboubakar oo lala xidhiidhinayo Manchester United ayaa uu Al-Riyadh sheegay inuu hadda xor u yahay inuu u wareego Old Trafford oo raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo oo isagana ay qandaraaskiisa burburisay Man United bishii November.

Si kastaba ha ahaatee, Aboubakar ayaa kaga tegaya Al-Nassr 13 gool iyo lix kale oo uu caawiye uga noqday oo ugu jiri doona diiwaankiisa Sucuudiga.

W/Q Abdiwahab Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -