Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta madaxtooyada Jubaland ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka tirsan guddiga oo maanta soo gaaray Kismaayo.
Guddiga heer Faderaal waxaa booqashada ay ugu yimaadeen Madaxweynaha ku wehlinayey Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubaland SEIT, waxa ayna Madaxweynaha kala hadleen doorashada Jubbalanad ka dhaceysa iyo sida ay ku noqon laheyd mid hufan.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo lagana shaqeeyo in doorashada ku dhacdo cadaalad.
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in dhawaan ka dhacdo doorashada qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka, waxaana habsami u socodka doorashadaasi kormeeri doona guddiga doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikaan ah oo diiday deeq ka timid heyadda IMF

Caydiid Ali

Xog ku aadan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo labo dhinac loo qeybinayo oo la ka shifay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kusii jeeda magaalada Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---