Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Safiirka Imaaraadka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Labada masuul ayaana isla gartay in sare loo qaado xiriirka soo jireenka ah ee labada dal u dhaxeeya, waxa uuna safiirka u ballanqaaday xukuumadda Soomaaliya iyo dowladda uu metelo ka taageeri doonto arrimo kala duwan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dib usoo celisay xiriirka kala dhaxeeyay Soomaaliya, waxa uuna safiirka cusub ee Imaaraadka kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali

Maxay Cali Guudlaawe & xubnaha la socday ku soo arkeen degaanka Guulane? (Sawirro)

Caydiid Ali

Bayaan laga soo saaray Shirkii Sadex geesoodka ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---