Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/dibeda ee Somalia iyo dhigiisa Imaaraadka?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta khadka talefoonka wadahadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.

Cabdisaciid Muuse Cali  ayaa uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ka dhacay magaalada Abu Dhabi ka dib markii kooxda xuutiyiinta Yemen ay ku weerareen gantaalo iyo dayuurado Drones ah.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa Dhinaca kale ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal oo mudooyinkan xumaaday iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyagoo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya sidoo kale ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hotelo ku yaalla Magaaloyinka Hargeysa iyo Burco oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Maraykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab & xaaskiisa (Akhriso)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Hoobiyeyaal xalay saqdii dhex ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---