Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Hoobiyeyaal xalay saqdii dhex ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Waxaa soo faahfaahino ku saabsan madaafiic hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhex ku dhacay xaafado iyo xarumo ku yaalla woqooyiga & bartamaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa daryankooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada xili dadka qaar ay hurdayeen kuwo kalena ay isku diyaarinayeen iney jiifka tagaan.

Meelaha ay ku dhaceen sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa ka mid ah xerada gaadiidka Booliska oo ku taalla degmada Shibis, xarunta dhexe ee taliska Nabad sugida Qaranka NISA ee isla degmadaas iyo xaafado ka tirsan degmada Boondheere.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska oo ka mid ahaa ciidamo ku sugan xarunta gaadiidka booliska ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin  madaafiicdan xalay ku dhacday qeybo ka mid ah caasimada oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al shabaab ee dagaalka kala so horjeeda DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Related posts

DF oo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay hor dhigtay dalab xasaasi ah

Caydiid Ali

Saraakiisha TPLF oo beeniyey Warar lagu faafiyey warbaahinta & baraha bulshada

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalmo kaddib oo banaanka uga baxay Madaxtooyada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---