Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo soo saareysa talaalka COVID-19 (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa furey warshadii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid-19.

Warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

“Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan gacan hoorsanno”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag magdhaw ah iyo cidda la siinayo oo…

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo Jawaab adag siisay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

Guddoonka Golaha shacabka oo Magacaabay guddi ka kooban 12 Xildhibaan (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---