Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashada heer Federaal oo goordhaw doortay Guddomiye cusub (Yaa watay)

Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ayaa goordhaw doortay guddomiye cusub, kadib markii xilka laga qaaday guddomiyihii hore ee guddigaasi Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay in uu siyaasadda isdiidan ku dhax milmay.

Doorashada guddoomiyaha guddiga doorashada oo aheyd mid adag oo xamaasad badan laheyd waxaa ku guuleestay Muuse Geelle Yusuf oo helay 14-cod halka musharaxii la tartamayay C/raxiin C/casiis Aadam isna helay 11-cod.

Sida aan xogta ku helnay guddomiyaha cusub ee la doortay Muuse Geelle Yusuf ayaa taageero balaaran ka helayay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble iyo xubno katirsan golaha midowga musharaxiinta.

Musharaxan ayaana la sheegay in taageero dhaqaale iyo garab istaag kalaba uu ka helay xafiiska Ra’isul Wasaaeaha Soomaaliya iyo musharaxiin kale oo saameyn leh kuwaa oo si gaar ah u watay musharaxan.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in musharaxii laga guuleestay C/raxiin C/casiis Aadam isna garab ka helayay madaxtooyada Soomaaliya oo si weyn ugu ololeesay, waxaa sidoo kale musharaxan taageersanaa xubno katirsan midowga Musharaxiinta.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo horey u keensatay guddomiyihii hore ee guddiga doorashada heer federaal ee xilka laga qaaday Maxamed Xasan Cirro ayaa hada guul daro culus la kulantay, waxa ayna tani saameyneysaa faraglintii badneed ee Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax lagu dilay Gudoomiye kuxigeen degmo

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo kala hadlay Midowga Afrika Sugida Amniga goobta uu ka dhacayo shirka…

Cabdi Cade

Jubbaland oo ciidamo cusub u diyaarineysa dagaalka Al Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali