Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Koox loo heysto cunista & ka ganacsiga hilibka dadka oo la Maxkamadeynayo

Booliska gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen cunista iyo ka ganacsiga hilibka Bani’aadamka

Taliyaha booliska gobolka Ayuba Elkanah ayaa  sheegay in tuhmanayaasha la soo qabtay kaddib markii ay baarayaashu heleen meydka qaar ka mid ah dad la weysanaa oo qaybo ka mid ah jirkooda laga saaray.

Ayuba Elkanah ayaa intaas ku daray in ilaa hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in lacag dhan Shan boqol oo u dhiganta $1,207 ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.

Iibinta xubnaha bani’aadamka iyo cunista hilibka maaha wax ku cusub gobolka Zamfara. Balse waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Maraykanka oo Kabul ku duqeeyey gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Haween ilmo yar xaday oo lagu soo bandhigay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Cabdi Cade