Guddiga Doorashada Somaliland oo Shaaciyay in xilligan Doorasho qaban karin muddo cusubna..

Guddiga doorashada maamulka Somaliland ayaa goordhaw qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in xilligii loo qorsheeyay doorashada madaxweynaha Somaliland iyo kuxigeenkiisa aysan ku qabsoomi karin .

Qoraalka ay soo saareen guddiga doorashada Somaliland ayey ku sheegeen in doorashada xilligii loo qorsheeyay oo aheyd 13-ka bisha soo socota ee November aysan ku qaban karin doorashada xag farsamo iyo xaq dhaqaale intaba.

Guddiga doorashada ayaa codsaday in la siiyo muddo sagaal bilood ah ay ku diyaariyaan doorashada dhinaca farsamada iyo dhaqaalahaba, waxa ayna cadeeyaan in waqtiga hadda haray aan waxba lagu qaban karin.

Halkan ka Akhriso go’aamada ay soo saareen guddigan

  1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
  2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
  3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -