Cali Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar si weyna loogu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar uu dib ugu laabtay.
 
Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayay dhameystirka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka oo guul kusoo dhamaaday.
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo lasoo qaatay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee jooga magaalada Muqdisho , kuwaa oo kala hadlay arrimaha doorashada iyo arrimo kale oo khuseeya maamulka Hirshabelle.
 
Dib ugu laabashada Jowhar madaxweynaha Hirshabelle ayaa kusoo aadeysa xili la filayo in maamulkaasi oon wali bilaabin doorashada goloaha shacabka si deg deg ah u bilaabaan kuna dhawaaqaan kuraasta ugu horeysa ee Jowhar lagu dooranayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -