Faahfaahin: Dagaal culus oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Jubada hoose

Faahfaahino ayaa ayaa ka soo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Kenya & xoogag Al-Shabaab taabacsan

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan Kenya ku leeyihiin degaanka Qooqaani. waxaana halkaasi ka dhacay dagaal hub kala nooc ah la iskub adeegsaday.

Goob joogayaal ku sugan degaanka ayaa  sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka ka dhashay inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Sidoo kale, dadka degaanka waxay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday,  ayna ka baqdin qabeen hubka culus ee la isweydaarsanayey.

Ciidamada Kenya ayaa weerarka ka dib dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaabay degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose iyagoo raadinaya kooxihii soo weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -