Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha ayaa iska waraystay xaaladaha guud ee dalka iyo dardargalinta dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen shirkii golaha wadatashiga qaran iyo sidii loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyay gaar ahaan dhaqan gelinta habraaca doorashada.

- Advertisement -