Allbanaadir.com
NEWS

Darawal Bajaaj oo laga soo badbaadiyey Gabar 5 jir ah & afhayeenka Wasaarada amniga oo ka hadlay

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay darawal Mooto Bajaaj waday oo caawa gabar shan sano jir ah la baxsaday xili uu la socday Aabaheed.

Gabadha oo saaran Mootada Bajaajta ayaa Aabaheed joojiyey si ay uga degaan markii la soo gaaray Isgoyska Dabka oo aheyd goobtii ay doonayeen.

Balse intii aabuhu ku mashquulsanaa inuu telefankiisa ka diro lacagtii kirada ee ay kula soo heshiiyeen Bajaajlaha ayuu darawalkii la cararay gabadha oo xiligaas ka soo degi rabtay Mootada.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in Aabaha dhalay Gabadha uu markiiba ku wargeliyay ciidamada Booliska oo goobta ku sugnaa kuwaasoo ku dhaqaaqay howlgal ay ku soo qabteen ninkaas bajaajlaha ahaa iyo gabadhii uu la fakaday oo lagu wareejiyey aabaheed oo la yaabanaa sida ay wax dhaceen.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dhacdadan ay tahay mid ku cusub Muqdisho ayna wadaan baaritaano lagu sameynayo darawalkii Mooto Bajaajta si loo ogaado ujeedada uu gabadha ula fakaday iyo halka ay dhacdadan salka ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo shir xasaasi ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Heer Federaal oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee dalka

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xubno caan ah oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---