Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

K/Galbeed oo aqoonsigii kala laabatay Nabadoonkii matalayay Mukhtaar Roobow

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maamuus ka xayuubin ku sameeyey Nabadoonkii matalayay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in xilkii Malaaqnimo laga qaaday Malaaqii beesha Leysaan oo magaciisa la yiraahdo Malaaq Mad Eddow.

Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa sheegaya in arintan uu ka dambeeyo Madaxwyane Laftagareen, ayna lid ku tahay nabada iyo wada noolaanshaha beelaha dega Bay iyo Bakool.

Dhinaca kale, talaabadan uu qaaday Maamulka Koonfur ayaa yaab iyo fajac waxay ku abuurtay dad badan oo isweydiinaya sida Malaaq ay duubatay Beel uu xilka uga qaadi karo masuul ka tirsan Maamul goboleed, maadaama xilka nabadoonimo ay u caleemo saartay beeshiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Related posts

Daawo Sawirada: 18-askari oo katirsan guutada 14-ka October oo Xukuno Xabsi ah lagu riday (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ciidankii lagu laayay Go’da yar oo aas Qaran loo sameeyay iyo Muusa Biixi oo hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shabakad abaabulan iyo ninkii madaxda u ahaa oo loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---