Wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray Madaxweyne Biden iyo Abiy Ahmed

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay isaga iyo madaxweynaha Mareykanka Joseph R. Biden ay taleefan uga wada hadleen xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay.

Waxaanna ka wadahadalnay ayuu yiri: “arrimaha quseeya xiriirka labada dhinac iyo gobolkaba, waxaana isku afgarannay inaan xoojinno iskaashiga aan leennahay oo ku dhisan isixtiraam.”

Dhinaca kale safaarada Maraykanka ee Addis ababa ayaa sheegtay in Madaxweyne Biden uu ku bogaadiyay ra’iisul wasaare Abiy sii deynta dhowr maxbuus oo siyaasadeed oo dhawaan la sii daayay.

“Waxayna labada hoggaamiye ka wadahadleen sidii loo dardargelin lahaa wada-hadallada ku aaddan xabbad-joojin laga wada-xaajooday, sida degdegga ah ee loo wanaajinayo gargaarka bani’aadamnimo ee guud ahaan Itoobiya, iyo baahida loo qabo in wax laga qabto walaacyada xuquuqda aadanaha ee dhammaan dadka ay saamaysay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada

Qoraalka safaarada ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Biden uu walaac ka muujiyay colaadaha socda, oo ay ku jiraan duqeymihii ugu dambeyay ee xagga cirka, ay ciidamada Itoobiya sii wadaan inay sababaan khasaaraha iyo dhibaatada rayidka ah, wuxuuna caddeeyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay ka barbar shaqeeyaan Midowga Afrika iyo saaxiibada gobolka si ay uga caawiyaan Itoobiyaanka inay si nabad ah ku xalliyaan colaadda.

“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya, suurtagalnimada in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan arrimo badan, iyo baahida loo qabo horumar la taaban karo si loo xalliyo khilaafka” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka.

Xiriika u dhaxeeya Mareykanka iyo Itoobiya ayaa sii xumaanayey wixii ka dambeeyey dagaalka ka qarxay waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoo xukuumada Abiy ahmed ku eedeysay Maraykanka inuu taageerayo TPLF, halka maraykankuna ku eedeeyey ciidamada dowlada iney gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka geysteen gobolka Tigray.

- Advertisement -