Dambiile Wajiga bedeshay si weyna loo raadinayay oo Gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Nin u dhashay dalka Thailand ayaa wajiga qaliin isaga sameeyay si uu ugu ekaado “Nin qurux badan oo Kuuriyaan ah” isaga oo doonaya inuu sharciga ka dhuunto, sida ay sheegeen boolis maxalli ah.

Saharat Sawangjaeng, oo qaatay magaca Seong Jimin, ayaa todobaadkii hore lagu qabtay guri is-kaashato oo ku yaal Bangkok.

Booliiska, oo 25-jirkan ku raad joogay muddo saddex bilood ah, ayaa sheegay in “wajigiisii asalka ahaa waxba kasoo harin”.

Waxay ku raad-joogeen iyaga oo raadinaya daroogo magaalada Bangkok la soo geliyay oo la kala iibsanayay.

Goobjoogayaal ayaa ku tilmaamay “Nin Kuuriyaan ah oo qurxoon”. Wuxuu sidoo kale badelay magaciisa isagoo la baxay mid Kuuriyaan ah. Muqaal ku saabsan xariga oo uu soo bandhigay booliska, ayuu Mr Saharat ku sheegay inuu doonayay inuu u guuro Kuuriyada Koonfureed: “Waxaan rabaa in aan bilaabo nolol cusub, waan ka caajisay Thailand”, ayuu yiri.

Mr Saharat ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si sharci darro ah dalka u soo geliyay maandooriye. Waxa uu qirtay in uu darooga MDMA – oo sidoo kale loo yaqaan ecstasy – uu ka dalbaday mareegto suuqa madow ee internet-ka taas oo waxyaabaha sharci darrada ah lagu kala iibsado isaga oo isticmaalaya lacagta dhijitaalka ah, ayey booliisku sheegeen todobaadkii hore.

Waxa la xidhay sannadihii hore ugu yaraan saddex jeer. Hal mar ayaa lagu xiray eedeymo gacan qaad ah, booliiskuna waxay ka heleen 290 kaniiniga ecstasy oo maandooriye ah kaas oo qaab dareere ah loo sameeyay.

Laakin waxa uu ku guulaystey in uu ka baxsado xabsiga isagoo maray qaliimo aad u balaaran si uu uga fogaado baarayaasha oo aan loo aqoonsan.

Taliyaha guud ee booliska Thailand Theeradej Thammasutee ayaa ninkan ku tilmaamay inuu yahay “mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cudurka MDMA ee Bangkok”, sida ay warisay The Straits Times.

“Waa aabaha daroogada oo MDMA ka soo dejinaya Yurub isagoo 25 jir ah, waxaan aaminsanahay inay jiraan tuhmanayaal badan oo ku sugan dalal shisheeye, waan sii wadi doonaa baaritaankeenna,” ayuu yiri Mr Thammasutee.

Halka Mr. Saharat uu muqaalka ku sheegay in uu inta badan daroogooyinka ka keeni jiray dalka Holland, waxa uu intaa ku daray in aanu garanayn cidda ay yihiin dadka uu la ganacsanayey.

Source Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -