Laftagareen oo Baydhabo sagootin ugu sameeyey Mr. Vikram Parekh (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Max’ed (Laftagareen) ayaa Magalada Baydhabo kulan sagootin ah ugu sameeyey madaxii UNSOM ee Magaalada Baydhabo Vikram Parekh oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka KG Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa iyo sidoo kale, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Vikram uga mahad celiyay qaabkii wanaagsanaa ee uu ugu shaqeeyey Xafiiska QM ee Baydhabo iyo howlihii uu halkaas ka qabtay

Dhinaca kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa soo dhoweeyay madaxa cusub ee xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo Aroud Laloum oo xilka la wareegay isagoo u balan-qaaday in maamulkiisi si wanaagsan ula shaqeyn doono.

Xafiiska QM ee Somalia ayaa ka baaqsaday inuu goob joogayaal u diro doorashadii ka dhacday Baydhabo, sidoo kale kama aheysan hadlin natiijada ka soo baxday doorashadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -