Farmaajo oo goor dhow Shacabka kala hadli doona qalabka Warbaahinta

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa khudbad toos ah u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa khudbadiisa diiradda ku saaraya xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka u jeedin doona Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri agaasimaha oo intaas ku daray in khudbadda laga sii deyn doono qalabka warbaahinta.

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA

- Advertisement -