Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii Golaha Wadatashiga oo la soo gebagebaynayo goor dhow iyo Munaasabad caawa..

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in goor dhow la soo gebagebeeyo.

Waxaa shirkan gudoominayey raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee shanta maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Kulan gaar ah oo yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta ayaa wax yar ka soo dhamaaday, iyadoo inta badan soo jeedintii Musharaxiinta la qaatay.

Shirkan oo diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin hufnaanta doorashada golaha shacabka iyo amniga ayaa la filayaa in goor dhow laga soo saaro War murtiyeed la xiriira waxyaabaha lagu heshiiyey.

Dhinaca kale, waxaa caawa la filayaa in Hotelka Decale lagu qabto munaasabad casho sharaf ah oo lagu sagootinayo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee shirka golaha wadatashiga u joogay Muqdisho.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo faahfaahin ka bixisay sababaha dalka looga eryey Simon Mulongo

Caydiid Ali

Erdogan oo Shaaciyay in Sirdoonka Turkiga dileen Hoggaamiye Abuu Xuseen Al-Qurashi

Cabdi Cade

Oday 80 jir ah oo ka mid noqday Ardayda u fariisatay Imtixaanka fasalka 8-aad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---