Erdogan oo Shaaciyay in Sirdoonka Turkiga dileen Hoggaamiye Abuu Xuseen Al-Qurashi

Ciidamada sirdoonka dalka Turkiga ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen gudaha dalka dariska la ah ee Syria ayaa la sheegay in ay ku dileen hoggaamiyihii ugu sareeyay kooxda Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyib Erdogan oo shalay la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa shaaciyay in sirdoonka Turkiga ku guuleesteen in ay dilaan Hoggaamiyaha kooxda Daacish Al-Qurashi uu sheegay in muddo ah ku daba jireen.

Erdogan ayaa sheegay in hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la dilay masuul ka ahaa dilka dad badan oon waxba galabsan, waxa uuna xusay in ciidamada sirdoonka Turkiga in muddo ah ninkan ku daba jireen ugu dambeyna ku guuleesteen in ay khaarijiyaan.

Howlgalka ciidamada Turkiga ku dileen hoggaamiyaha kooxda Daacish ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxaana magaaladan kamid tahay goobihii dhul-gariirka ka dhacay.

Hoggaamiyahn kooxda Daacish ee la dilay Abuu Xuseen Al-Qurashi ayaa qabtay hoggaanka kooxdaasi bishii November 2022 kadib markii isna howlgal qorsheesan lagu dilay hoggaamiyihii ka horeeyay ee kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -