Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo shaacisay xiliga lasoo gabagabeenayo Shirka Wadatashiga

Waxaa heer gebogebo ah maraya shirka golaha Wadatashiga Qaran oo maalmahan magaalada Muqdisho uga socday Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in shirka golaha Wadatashiga galabta lasoo gabagabeenayo lagana soo saarayo war-murtiyeed ku qeexan qodabada la isku raacay.

”Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada & amniga” ayuu yiri Macalimuu

Waxa uu sheegay afhayeenka Xukuumadda in heshiiska ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran uu horseed u noqon doono in doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowlada

Cabdi Cade

Daawo:-Shirka u Socdo Musharaxiinta Saamayn maku yeelan karaa damaca Madaxwayne Faraamjo…!!

admin

Soomaali isku dishay Magaalada Toronto iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---