Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowlada

Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta magaalada Baydhabo iska dhiibay sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab kadib markii uu kooxdaasi kasoo goostay.

Sargaalkan isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed (Aadan Shaah),waxaana sargaalkan la sheegay in ay la socdeen labo dagaalyahan kale.

Saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab dhawaan loo soo bandhigi doono Warbaahinta kana hadli doono sababta uu Shabaab uga soo goostay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa marar badan lagu soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Shirkada DP World oo dalka laga mamnuucay (Akhriso Xeerka Loo Maray)

Cabdi Cade

Muxuu Shiikh Shariif ka wadaa Muqdisho & Wararkii u danbeeyay dagaal ka dhacay..

admin

Gobolka Banaadir oo shaaciyay xilliga la qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---