Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo si diiran usoo dhaweesay Talaabadda uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay talaabada uu Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dib ugu saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay adduunka.
 
Puntland qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu boggaadiyay raaligelintii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay lacagtii dowladda Imaaraadka laheyd ee dowladda federaalka la wareegtay bishii April ee sanadkii 2018-kii.
 
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sida tan
 
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.
 
Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.
 
Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qodobka xasaasi ah ee laga bedelay dastuurka Maamulka Jubbaland

Caydiid Ali

Sacuudiga oo qabtay Soomaali iyo ajnabi kale oo daroogo gelinayey gudaha dalkaas

Caydiid Ali

Tareen labo cad u kala jaray bas ay la socdeen caruur iskuul fara badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---