Farmaajo oo amray in aan Imaaraadka loo celin karin lacagtii dowlada kala wareegtay

Madaxweynaha   Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan dowlada Imaaraadka loo celin karin lacagtii ay dalka soo galiyeen ee lagu qabto garoonka Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta uu sheegay in si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka ee Hay’adaha Ammaanka ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Waxa uu amray Madaxweyne Farmaajo guddomiyaha bangiga dhaxe in lacagtaasi ee leedahay aan la bixin karin iyada oon la marin hannaan waafaqsan sharciga ayna mamnuuc tahay in go’aan hal masuul gaaray lacagtaasi lagu bixiyo.

Qoraalkan uu Farmaajo u diray Guddoomiyaha bangiga dhaxe ayaa kusoo aadeysa xili Ra’isul Wasaare Rooble raaligelin siiyay dowlada Imaaraadka Carabta uuna balanqaaday in dib loogu soo celinayo lacagtii dowlada kala wareegtay.

Halkan ka Akhriso Warqada Farmaajo soo saaray

 

- Advertisement -