Dab xoogan oo baabi’iyay qeybtii Keydka Daawada ee Isbitaalka Dayniile

Dab xoogan ayaa xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile ee magaalada Muqdisho, dabkan ayaana khasaaro gaarsiiyay qeybo kamid ah Isbitaalka gaar ahaan qeybta keydka daawada.

Sida aan Wararka ku helnay dabka xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile ayaa waxaa sababay koronto, waxaana dabka socday daqiiqado badan markii dambe lagu guuleestay in la damiyo.

Dabka ayaa baabi’iyay qeybtii keydka daawada Isbitaalka Dayniile iyo wixii agab ee yiilay, waxaana maamulka Isbitaalka sheegeen in dabka uu saameyn badan reebay uuna baabi’iyay daawooyin badan.

Isbitaalka Dayniile ayaa si lacag la’aan ah dadka ku daaweeya gaar ahaan haweenka iyo caruurta, waxa uuna Isbitaalkan kamid yahay kuwa ugu waa weyn Muqdisho ee dadka lacag la’aanta ku daaweeya.

 

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -