Allbanaadir.com
NEWS

Safiiro Mareykan ah oo shaqada uga tagaya Madaxweyne Trump dartiis

Safiiro dowlada Mareykanka u fadhiya qaar kamid ah Wadamada Caalamka ayaa shaaciyay in ay shaqada isaga tagayaan, waxa ayna Safiiradan qaarkood sheegeen in aysan la shaqeyn karin Madaxweyne Trump.

Safiiradan ayaa sheegay in ay ku adag tahay in ay lasii shaqeeyaan Madaxweyne Donald Trump, waxa ayna tilmaameen in aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay si qaldana u maamulayo.

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa sheegay in uu shaqada isaga tagayo, waxa uuna sabab uga dhigay shaqo ka tagistiisa hab dhaqanka Madaxweyne Trump caalamka kula dhaqmayo gaar ahaan Midowga Yurub.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lasoo baxay hab dhaqan cusub oo ka careesiiyay dowlado badan iyo masuuliyiin, waxaana hada sii xumaanaya Xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub kadib markii Trump canshuur dheeraad ah soo rogay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo diiday in uu saxiixo labo kamid ah Qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay madaxweynaha Mareykan Joe Biden

Cabdi Cade

Nooca Koronaha dadka ku dhameynaya dalka Hindiya oo soo gaaray bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---