Malaayiin Dollar uu xaday Sani Abacha oo loo qeybinayo dad masaakiin ah

Lacago Malaayiin Dollar uu horey u xaday Hogaamiyihii hore ee Milatariga Nageria Sani Abacha ayaa dib loogu soo celiyay dowlada Nageria, waxaana lacagtan dowlada qorsheenaysaa in ay u qeybiso dad masaakiin ah.

Sani Abacha ayaa xaday sanadkii 1990-kii lacag gaareysa 300-Milyan oo Dollar,  waxaana lacagtan oo ay qabatay dowlada Switzerland mudo kadib dib loogu soo celiyay laguna wareejiyay dowlada Nageria.

Dowlada Nageria ayaa sheegtay in lacagtan dib loogu soo celiyay ay dooneyso in ay ugu deeqdo dadka saboolka ah ee kunool dalkaasi, waxa ayna dowlada ee dajisay nidaam lacagtaasi lagu qeybinayo.

Siyaasiyiinta Mucaaradka dalka Nageria ayaa shaki ka muujiyay lacagtan dowlada u qeybineyso dadka masaakiinta ah, waxa ayna Siyaasiiinta dowlada ku eedeeyeen in lacagtaasi u adeegsaneyso ololaha doorashada bilo kadib dhaceysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -